Maamulka Gobolka Banaadir oo Ka Hadlay Sababta Shacabka loogu Saarayo Kaasa Italia

0

Bayaan ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa lagu faah faahiyey sababta dadka looga saarayo Dhulka (Kaasa Italia ) oo ah dhul ay leedahay safaaradda dowladda Talyaaniga.

Warka Maamulka ka soo baxay ayaa lagu yiri” Burburinta dhismaha Xarunta Kaasa Italia waxay ku timid codsi nooga yimid dowladda Talyaaniga oo dalbatay in dhulkeeda loo banneeyo oo ay u baahan tahay, waxaana bulshada loo sheegayaa inaanu jirin ganacsade ama dowlad Soomaaliyeed oo dhulkaas isticmaali doonta”.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here