Faah-faahin;-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya jugta qarax laga maqlay saakay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan oo magaaladda Laga maqlay ayaa abaare 06:50daqiiqo waxay ka dhacday Xaafadda Buulu-xubeey Degmadda Wadajir ee Gobolka banaadir.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa oo Miino dhulka lagu aasay ahaa in lala eegtay Ciidamo ka tirsan Hay’adda NISA oo halkaas marayay.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay Xaafadda Buulu-xubey Degmadda Wadajir.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxa gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya,waxayna goobta ka sameeyeen howlgal lagu baadigoobayay ragii ka dambeeyay qaraxa ka dhacay Degmadda Wadajir.

Inta badan qaraxyo noocaan oo kala ah ayaa maalmihii dambe kusoo badanayay Magaaladda,waxaana qaraxii Labaad ee 24-saac gudaheeda ka dhaca magaalada,kadib qarax gaari lagu xiray oo ka dhacay Xaafada Beexaani Degmada Shibis kaasi oo lala eegtay gaari uu watay wiil dhalinyaro.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here