Al-shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Goof-gaduud Buureey

0

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamaddda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa  Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa saakay waabarigii ka dhacay Deegaanka Goof-gaduud Buureey oo 30KM u jira Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa dhowr jiho kasoo weeraray deegaanka Goof-gaduud buureey,waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Goofgaduud Buurey,balse waxaa la sheegay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadda dagaalamay.

Warar lagu baahiyay warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano Al-shabaab ay saakay weerar ku galeyn deegaanka Goofgaduud Buurey duleedka Magaalada Baydhabo.

Warka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamadooda u suurtagashay in ay la wareegaan deegaanka Goofgaduud Buurey,islamarkaana khasaare la gaarsiiyay Ciidamadda Dowladda Federaalka Sooomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay koonfur Galbeed Soomaaliya oo loogu hadlaayo dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Goofgaduud Buurey ee Duleedka Magaaladda Baydhabo.

26-kii bishaan ayay aheyd markii Ciidamadda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay dib ula wareegeen deegaanka, kadib markii shabaab saacado kooban gacanta ku hayeen deegaanka.

Ciidamadda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa deegaanka ka ilaaliya Magaaladda Baydhabo oo Xarun u ah Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya,waxaana dhowr jeer gacantooda gashay Al-shabaab,inkastoo saacado kadib ay ka baxaan.

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here