Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta mar kale dhegaysanaysa dacwadda loo haysto 4 eedeysane oo katirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.
Afarta eedaysane waxaa loo haystaa inay kumanaan iyo malaayiin dollar ku lunsadeen qallinka dowladda, inkastoo qareenada difaacaya ay eedda loo haysto ku tilmaameen mid lagu been abuuranayo.
Eedeysanayaasha ayaa kala ah Cumar Macalin Nuur oo lagu eedeeyay inuu lunsaday lacag dhan, ku dhawaad 7 milyan oo dollar, Lacagtaas, oo ahayd hanti dadweyne iyo dakhli dowladeed oo uu masuul ka ahaa.
Eedeysanaha labaad, C/llaahi Maxamuud Cosoble, waxaa lagu eedeeyay inuu lunsaday lacag dhan ($560,500) shan boqol iyo lixdan kun iyo shan boqol oo dollar.
Eedeysanaha saddexaad, Saabir Xasan Cabdi Nuur, waxaa loo haystaa lunsashada hanti dadweyne iyo dakhli dowladeed oo uu masuul ka ahaa, oo gaarayay, ($482, 730) Afar boqol sidddeetan iyo labo kun, todobo boqol iyo soddon dollar.
Eedeysanaha afaraad, Aadan Maxamed Cabdi, waxay maxkamaddu ku eedeysay inuu lunsaday lacag dhan ($88,640) siddeedan iyo siddeed kun lix boqol iyo afartan dollar.

