Al-cadaala;-“100-shabaab ahaa ayaa Lagu Dilay Xadka Galgaduud iyo Sh Dhexe”,!

0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa ayaa ka hadlay howlgal ka dhacay deegaano ku yaala xadka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Al-cadaala ayaa sheegay  in howlgalkii maanta lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab oo isku aruursanaayay deegaano u dhaxeeya gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhaxe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in howlgal lagu Dilay 100-xubnood oo shabaab ka Tirsanaa ,gaadiidna lagu gubay.

“Ciidanka xoogga dalka waxay Maanta beegsadeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen cadawga shabaab ah waxaana laga dilay 100 dagaalame ka badan, waxaa sidoo kale laga gubay ilaa 7 gawaari oo ay kooxdu watay, weerarka wuxuu dhacay xili ay dhulka howdka ah ku qalanayeen xoolo ay kasoo dhaceen dad shacab ah” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-cadaala.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here