Faah-faaho dheeraad ayaa kasoo kordhay howlgal qorsheysan oo maanta ciidanka dowladda Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen xadka ay wadagaan gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.
War kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka khasaare lagu gaarsiiyay Al-shabaab oo ku dhowaad 10 gaari oo ay ku jireen labo gaari oo nooca loo yaqaano BG, gaari UD ah iyo afar Cabdibille oo ay saarnaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab lagu burburiyay howlgalka.
Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in saldhig ay ku sugnaayeen dagalaamayaasha Al-shabaab lagu burburiyay howlgalka, hayeeshee dowladda ma sheegin tirada rasmiga ah ee howlgalka looga dilay kooxda Al-shabaab.

