Imaaraadka oo Cambaareeyay Qaraxii Ka Dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaadd

0

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii Isniintii ka dhacay  dugsiga tababarrada ciidamada ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in qaraxaas uu muujinaya sida Al-shabaab u neceb yihiin Horumarka Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Imaaraadka Sheikh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Imaaraadku ay si weyn u cambaareynayaan falkii lagu beegsaday ciidanka.

Sidoo kale bayaankaan waxaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka ay ka xuntahay rabshadaha joogtada ah ee dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab geystaan.

“Waxaa cad in rabshadahaan lagu carqaladeynayo amniga iyo xasilloonida oo ka soo horjeeda qiyamka aadanaha iyo mabaadi’da caalamka,” ayaa lagu bayaankaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here