Aadan Madoobe oo Qaabilay Amb. Souef,Kalana Hadlay Qaraxii Kuliyadda Jaala Siyaad

0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga u qaabilsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb. Souef Mohammed El-Amnie.
Danjiraha oo marka hore ka tacsiyeeyay askartii ku shahiiday weerarkii fuleynimada ahaa ee kooxda Khawaariijta ay ku soo qaadeen Xerada Tababarka Ciidanka Jaalle Siyaad ee magalada Muqdisho. Danjire Souef Mohammed El-Amnie ayaa Guddoomiyaha warbixin ka siiyay shaqada ATMIS halka ay mareeyso iyo dagaalka lagula jiro Khawaariijta. Sidoo kale kulanka waxaa danjiraha ku wehlinayay taliyaha cusub ee Ciidamada Howlgalka nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya Gen. Sam.
DHAMMAAD

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here