Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa maanta ku dhawaaqay afar xubnood ee baarlamanka maamulka Puntland ku darsanayo guddiga doorashooyinka Puntland uu madaxweyne Gaas shalay ku dhawaaqay.
Mudane Axmed Cali Xaashi Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland waxa uu sheegay in guddigaan ugu mid noqonaya doorashoooyinka Puntland ay u diyaariyeen shuruucdii ay ku dhaqmi lahaayeen isla markaana dhawaan ay bilaabi doonaan howlahooda shaqada si loo dar-dar galiyo nidaamka dimuqraadiyada.
Magaca Guddiga Lagu dhawaaqay.
- Dr:-Saciid Maxamed xirsi diraac
- Eng: Injineer Maxamed Saciid jacfar
- Axmed xasan Bille
- C/risaaq xuseen Gaceynte
Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Maamukka Puntland dr C/wali Maxamed Cali Gaas uu ku dhawaaqay qaar kamid ah Guddiga doorashooyinka Maamulka Puntland.

