Nicky Butt oo loo Magacaabay Macalinka Ciyaartooda Yar yar ee Manchester United

0

Kooxda Manchester United ayaa shaacisay in xidigii Hore ee qadka dhexe Nicky Butt uu noqon doono macalinka cusub ee academiyada kooxda.

Nicky Butt oo 41jir ahaan ayaa la aaminsan in uu ku wacan yahay shaqada ciyaartooda yar yar ee kooxda Manchester United isagoona sidoo kale kamid ahaa ciyaartooda Manchester United kula guuleystay Champions league ciyaartii loogu magac-daray 3-minute.

Waayihiisa kooxda Manchester United Nicky Butt wuxuu u saftay 387-kulan intii u dhaxeysay 1992 ilaa 2004-tii wuxuuna kula guuleystay 6-premier League 3-FA Cup iyo Champions League uu la qaaday sanadkii 1999-kii.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here