Gudoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa ku eedeysay Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni in uu u diiday tagista Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka oo ka qeyb gali lahayd caleemo saarka mid kamid ah salaadiinta dhaqanka ee beesheeda, ayaa lagu amray diyaaradii ay la socotay inay dib ugu laabato Muqdisho, iyadoo nasiib darro ku sheegtay in markii 2aad laga celiyo Garowe.
“Siyaasada waxaa kusoo kordhay in gabar gorgoradeeda lagu dheganaado. Deni, celinta uu isoo celiyay xishood la’aanta siyaasadeed baan anigu ku magacaabi karaa,” ayay tiri guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka.
Gudoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa ugu baaqday dhanka Puntland in ay arintaan ka hadlaan.
“Reer Puntland, hadday ahaan Isimo iyo shacab waa inay jawaab ka bixiyaan sababta uu Deni labo jeer Garowe iiga celiyay,” ayay hadalkeeda ku dartay guddoomiye Sacdiyo.

