Faysal Cali Waraabe oo ka Hor Yimid Jadwalka Doorashada Somaliland

0

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka nhor yimid jadwalka doorashada ee ay soo saartay guddida doorashooyinku.

Waxa uu sheegay in nidaamka ururada cusub lagu furay uu yahay mid aan shaqaynayn oo aan la aqbali karin, isaga oo sheegay in anay aqbalayn doorasho aan ahayn doorashada madaxtooyada.

Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ayuu ku eedeeyay in ay yihiin koox aan cid kale u ogolayn in ay xukunka timaado “Waxa caddaatay in kooxdani anay cid kaleba u ogolayn xukunka, sharcigii aynu qoronay meel ayay iska dhigeen walaalayaal” ayuu yidhi Faysal.

Faysal waxa uu xukuumada madaxweyne Biixi ku eedeeyay in ay isku darsatay wax qababad la’aan, xukun jacayl iyo qabyaalad sida uu hadalka u dhigay, isaga oo dhalliilay hay’addaha sharci dajinta sida guurtida oo uu sheegay in ay sharci daro ku joogto.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here