25-askari oo Ku Dhimatay Qaraxa Ka Dhacay Xerada Kuliyada Jaale Siyaad

0

Waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo uu fuliyay nin isku soo xiray Jaakadda waxybaaha qarxa oo ka dhacay gudaha xerada Kuliyada Jaale Siyaad ee ku taala degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan Guutadda 14-ka October oo saldhigooda yahay Magaalada Marka oo safaf ugu jiray tirakoob iyo qalabeyn loo sameeyay ayaa waxaa qarxiyay nin la sheegay in uu kamid ahaa dadka safka ku jirey.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay 25 askari, halka dhaawaca uu ku dhow yahay 60 ruux, iyadoo Ismiidaamiyaha la sheegay inuu kamid ahaa askarta feylka ku jirtay.

C/rixiin Muunye oo ah taliyaha ciidanka 14-ka October ee magaalada Marko oo askarta ugu badan ay ka dhinteen ayaa laga soo xigtay iney qabaan tuhunka ah in weerarkan oo ay Shabaab sheegatay lagala shaqeeyay, isagoo sheegay in si gaar ah loo beegsaday ciidankan oo dhamaantood hal beel ahaa askarta dhimatay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada saakay la qarxiyay uu la kumi lahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow,balse qarax ka hor tagitaankiisa.

Dhowr jeer oo hore sidaan oo kale ayaa loo qarxiyay Askar ka tirsan Dowladda Federaalka Somaaliya kuwaasi oo tirakoob iyo tababar loogu qaadayay dalka Dibadiisa,waxaana sheegtay Al-shabaab.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here