Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Beenisay in Wada-hadal La Gashay Al-shabaab

0

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa beeniyay wararka ku aadan in wada-hadal ay la galeyn Al-shabaab lagu soo daayay gaadiid badan oo Al-shabaab ka hor istaageen in ay gudaha u galaan Magaaladda baydhabo.

Sidoo kale Maamulka Koonfur Galbeed ayaa beeniyay in wada-hadalka uu qeyb ka ahaa in Al-shabaab ay furan wadooyinka xiran ee soo gala magaaladda baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.

La- Taliyaha Madaxweynaha Arimaha Warbaahinta Maxamed Shekh Cabdulaahi (Xaayow) ayaa Sheegey in Wada hadal ay wada galeen Madaxweyne Laftagareen iyo Alshabaab aan ku imaanin Furista Wadada Xiriirisa Magaalooyinka Baydhabo iyo Xamar.

La taliye Xaayow ayaa sheegay in Al-shabaab ay wadooyinka fureen kadib markii madaxweynaha koonfur galbeed Soomaaliya hanjabaad hawada u mariyay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Shabaab iyo koonfur galbeed Soomaaliya dagaal ka dhaxeeyo,islamarkaana haatan wadaan abaabulkii ugu xooganaa ee ku aadan in shabaab lagu weeraro.

La- Taliyaha Madaxweynaha Arimaha Warbaahinta Maxamed Shekh Cabdulaahi (Xaayow) ayaa sheegay in ay jiraan dad baraha bulshadda isticmaala iyo siyaasiyiin been ka sheegaya arrimaha Koonfur galbeed Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu baaqay in dhab uu ka noqdo dagaalka Al-shabaab,wuxuuna u mahadceliyay Dowladaha Soomaliya kawada duqeymaha lala beegsado Al-shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here