Madaxweynaha maamulka Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa magacaabay Taliyaha ciidanka Daraawiishta maamulka Hiiraan state ee degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Wareegtada kasoo baxday Xafiiska madaxweyne Cali Jeyte ayaa Taliyaha ciidanka Daraawiishta Hiiraan State ee degmada Matabaan waxaa loogu magacaabay Cumar Irsaq Cabdi.
Wareegtada waxaa sidoo kale lagu faray hay’addaha amaanka oo ay quseyso iney la shaqeyaan Taliyaha cusub ee ciidanka Daraawiishta degmada Matabaan ee maamulka Hiiraan State.


