Mas’uul ka Tirsanaa Gobolka Shabeelaha Hoose oo Muqdisho Lagu Dilay

0

Kooxo hubeysnaa ayaa saakay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku dilay Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur galbeed Soomaaliya.

Rag hubeysnaa ayaa la sheegay in saakay aroortii ay toogteen Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Awdheegle Faqi Abdulle Mayow.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in raga hubeysnaa ay dhowr xabadood ku dhufteen mas’uulka,islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen.

Dilkaan ayaa ka dhacay Degmadda Xamar Jajab ee Gobolka banaadir.

Ala ha u naxariistee Faqi Abdulle Mayow ayaa howlo shaqo u joogay magaaladda Muqdisho,waxaana dilkiisa ka tacsiyeeyay Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyadda dilalka inta badan ka dhaca Magaaladda muqdisho.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here