Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa hor tagay Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana uu warbixin ka siiyey hawlaha shaqo ee Wasaaradda, waxyaabaha u qabsoomay iyo caqabadaha jira inta ba.
Kulanka oo uu guddoominaayey guddoomiyaha guddigaasi Xildhibbaan Maxamed Sh. Noor Osman, ayaa intii uu socday kulanku waxa kor meer shaqo ku yimi guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo halkaas labada dhinac ba ku boggaadiyey sida hufan ee ay iskaga xog waraysanayaan hawlaha shaqo ee qaranka.
Intaas ka dib, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa si furan uga jawaabay su’aalo ay mudaneyaashu ka waydiiyeen hawlaha shaqo ee Wasaaradda, waxaana uu iftiimiyey dedaalada socda, iyo guulaha waaweyn ee laga gaaray ballaarinta suuqyada ganacsi ee Soomaaliya wax u dhoofin karto, horumarinta Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga isaga oo xusay in ay xooga saareen samaynta iyo diyaarinta shuruucdii, siyaasadihii iyo heshiisyadii lagu horumarin lahaa lagu na maamuli lahaa ganacsiga dalka kuwaas oo qaar ka mid ah loo soo gudbiyey golaha halka sidoo kale na shuruuc tiro badan iyaga na ay Wasaaraddu gacanta ku hayso loo na soo gudbin doona Golaha.
Su’aal la weydiiyay wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi iyo jawaabta uu ka bixiyay ayaa si weyn u qabsatay baraha bulshadda.
Wasiirka ayaa lagu dhaliilay sababaha uu wasaaradiisa Kaliyah ugu shaqaaleysiiyo qaraabadiisa.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi ayaa ku adkeystay in wasaaradda uu madaxda ka yahay Kaliyah fursadaha uu siinaayo qaraabadiisa.
“Ninka qaraabadeeyda ayan wax siinayaa hadaan xil ama meel u heli karo”

