Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Shaaciyay Xiliga Doorashadda Madaxtooyadda

0

Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in doorshada ururadu ay qabsoomayso 28 December 2023, isla markaana doorashada madaxtooyadu ay dhaci doonto 13 November 2024.

Guddida ayaa ku dhawaaqday in doorashada ururadu ay kasoo horaynayso doorashada madaxtooyada Somaliland, sida ay ku sheegeen qoraal rasmi ah oo ay baraha bulshada ku baahiyeen.

“Koomiishanku waxa uu go’aamiyay in doorashada xisbiyada qaranka la qabanayo taariikhdu markay tahay 28 December 2023, si loo helo saddex xisbi qaran oo ansaxsan, lana siiyo shahaadada xisbinimo ee 10 ka sanno ah” ayaa lagu yidhi qoraalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here