Ganacsatadii Suuq Bacadlaha ee Gubtay 1983-kii oo codsi u dirtay Madaxda Dalka

0

Shir Jaraaid oo maanta Muqdisho ay ku qabteen ganacsatadii 1983kii ganacsiyadooda kaga gubteen Suuqii hore ee Bacdalaha ee ku yaala degmada Xamarweyne ee gobolka Baanaadir ayaa dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka dalbaday Cadaaladsiin.

Ganacsiyadda gubtay xiligaas ayaa ka koobnaa 960 tukaano.

Ganacsatadaan ayaa ka sheekeeyay  marxaladihii kala duwanaa uu soo maray dalka tan iyo xiligaas, waxayna sheegeen in codsiyo kala duwan u gudbiyeen madaxdii kala duwaneyd ee ku kala dambeeyay xukunka.

Qaar kamid ah Ganacsatada oo soo booqday xarunta idaacadda Simba ayaa sheegay in waxba laga qabanin codsiyadii ay u gudbiyeen Madaxdii dalka soo martay burburkii kadib.

Guddoomiyihii hore ee ganacsatada Suuqii Bacadlaha ee degmada Xamarweyne Ahmed Coloow ayaa Sharaxaad ka bixiyay heerarkii ay soo mareyn,iyo rajo ay ka qabaan Madaxda xiligaan.

7

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here