Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa howlgalo dhowr ah oo lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan Jubbooyinka.
Howlgalka ayaa xoogiisa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Weel Maaroow iyo deegaano kale 42 KM u jira degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
War kooban oo lagu daabacay warbaahinta dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 40 ka mid ah Al-shabaab oo ay ku jiraan madaxii qaraxyada u qaabilsana Shabaab deegaanada Jubbooyinka oo magaciisa lagu soo koobay Farxaan iyo ku xigeenkiisa Cabdi Mahad iyo xubno kale.
“40 ka tirsan Al-shabaab oo ay kamid yihiin horjoogayaal iyo madaxii Qaraxyada Jubooyinka Farxaan iyo ku xigeenkiisii Cabdi Mahad ayaa lagu kharajiyey howlgalka , Sidookale saraakiisha Shabaab ee lagu dilay waxaa kamid ahaa madaxii maaliyada ee deegaanka Weel-Maaroow” ayaa lagu yiri warka lagu daabacay Warfaafinta dowladda Soomaaliya.
Ciidamada iskaashanaya ayaa sidoo kale la sheegay iney burburiyeen Saldhigii Al-shabaab ku laheyd deegaanka Weel Maaroow iyo goobo kale oo Al-shabaab gambaad ka dhiganayeen.






