Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo Maanta shir guddomiyay kulanka Golaha Shacabka ayaa si adag uga hadlay Xildhibaanada aanan soo xaadirin fadhiyda Golaha.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in fadhi walba ee Golaha Shacabka aysan soo xaadirin tiro gaareysa 130 Xildhibaan, islamarkaana taasi aysan aheyn mid la aqbali karo in Xildhibaanada ay bilaa fasax iska maqnaadaan.
“Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa guud ahaan nahay 275 Xildhibaan, fadhiyada waxaa imaada 145 Mudane halka ay maqan yihiin 130 kale oo aan wax cudur daar ama fasax ah intooda badan laga heyn, Xildhibaanno badan ayaa inta noo yimaadeen nagu dhaheen Guddoomiye maxay u maqan yihiin Xildhibaannadaas waa sax hadalkaas balse waxa ay ahayd in aan annaga dhahno oo aan la xisaabtanno” ayuu yiri guddoomoye Sheekh Aadan Madoobe.

