Diyaarad rakaab ahayd oo ay lahayd shirkadda Hala Airline oo magaalada Garoowe ka duushay ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Wararka aan helayno waxay sheegayaan in ay 11 qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen diyaaradda shilka ku gashay garoonkan Aadan Cadde.
Gabadh suxufiyad ah oo lagu magacaabo Nadar Garaase oo kamid ahayd rakaabka diyaaradda ayaa wararku sheegayaan inay ku dhaawacantay shilkan. Lama oga dhaawaceeda inta uu le’eg yahay.

