Baarlamaanka oo Isku Khilaafay La Xisaabtanka Xukuumadda Soomaaliya

0

Fadhigii baarlamaanka Soomaaliya ee maanta ayaa kusoo dhamaaday buuq iyo isfahanwaa xilli baarlamaanku uu u ballansanaa inuu bilaabo la xisaabtanka golaha xukuumadda.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa ku eedeeyay guddiga joogtada ah inay ku xadgudbeen xeer hoosaadka baarlamaanka, iyo hannaanka loo marayo la xisaabtanka xukuumadda.

Xildhibaan Cabdirashiid Jiley ayaa sheegay inay gef ku tahay baarlamaanka, sida uu sheegay in guddiga joogtada ee baarlamaanka uu golaha horkeeno liis ay soo qoratay xukuumadda, liiskaas oo ah jadwalba wasiiradda hortagaya golaha.

“Guddiga joogtada waxay la kulmeen raysal wasaaraha waxayna ku dhaheen soo diyaarso jadwalka wasiirrada baarlamaanka hortagaya. Arrintaas waa qalad. Guddiga joogtada ma qaadi karo tallaabo isagoo aan la tashan xubnaha xildhibaanada, “ayuu yiri xildhibaanku.

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow ayaa sheegay guddiga joogtada inay ku xad gudbeen madax bannaanida 275 xildhibaan ee golaha shacabka. Wuxuu sheegay inay ku guulaysteen in la hakiyo la xisaabtanka wasiirka amniga oo baarlamaanka hor imaan lahaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here