Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay in Ay Aqbalayso Jadwalka Doorashooyinka

0

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay mar walba diyaar u tahay in ay aqbasho jadwalka doorashooyinka ee ay soo saaraan guddida doorashooyinku.

Qoraal kasoo baxay fadhigii 113aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu sheegay in guddida doorashooyinka oo kali ahi ay awood u leeyihiin cayimida wakhtiga doorashooyinka.

“Goluhu waxa uu isku raacay in Xukuumaddu marwalba diyaar u tahay Jedwalka doorashooyinka ee ay soo saaraan Komishanka Doorashooynka Qaranku oo ah hay’adda keliya ee awood sharci u leh cayimaadda wakhtiga la qabanayo doorashooyinka” ayaa lagu yidhi qoraalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here