Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa beeniyay warar lagu faafiyay baraha internetka, kuwaasi oo sheegayay inuu iska casilay xilkiisa.
Wasiirka ayaa warkaasi ku tilmaamay mid wax kama jiraan ah, isagoo sheegay inuu safar shaqo ugu maqan yahay dalka dibaddiisa.
“Wararka sheegaya in aan is casilay waa been abuur lagu jahwareerinayo dadweynaha. Safar shaqo ayaan dibadda ugu maqanahay,” ayuu ku yiri hadal qoraal ah oo uu ku daabacay barihiisa bulshada.
Wasiirka arrimaha dibadda ayaa maalin ka hor magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan kaga qaybgalay shirka ururka wadamada dhexdhexaadka ah (Non-Aligned Movement) oo ay ka qaybgalayaan wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka xubnaha ka ah ururka NAM.

