Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa weerar qorshaysan ku qaaday Saldhig Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland.
Saldhigaan oo ku yaala deegaanka Geriley ayaa ka mid ahaa saldhigyadii toddobaadkii hore ay wareejiyeen ciidamada Kenya ee ATMIS.
Sida ay inoo xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya Al-shabaab ayaa weerar dhinacyo kala duwan laga soo qaaday kusoo galay deegaanka,balse waxay iska caaabin kala kulmeen Ciidamadda Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu goobta ka dhacay dagaal la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo dhowr jeer la isu soo noqday, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Deegaanka Giriley,mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab iyo Maamulka Jubbaland.
Ciidamadda maamulka jubbaland iyo kuwa Dowladda ayaa la sheegay in ay wali sugan yihiin Saldhiga Deegaanka.

