Al-shabaab oo Saacado kooban la Wareegay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Faah-faahino dheeri ah ayaa laga heleyaa weerar xalay al-shabaab ay ku qaadeen xarumaha degmada afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-shabaab ayaa la sheegay in si buuxda  ay ula wareegeen saacado kooban saldhiga degmada afgooye iyo xaafadaha  teedsan degmada waxaana ka dhacay dagaal saacado badan qaatay oo dhexamaray ciidamada al-shabaab oo weerarka soo qaaday iyo ciidamadii dowlada soomaliya ee ku sugnaa degmada.

Xarakada al-shabaab waxa ay sheegeen in ay weerarkaas kula wareegeen gadiid dagaal iyo hub yaalay saldhiga degmada afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii ay kala wareegeen ciidamada dowlada soomaliya.

Al-shabaab waxaa sidoo kale la sheegay In saacada kooban  ay ku sugnaayeen xaafadaha degmada afgooye iyo saldhiga waxayna ka baxeen saqdii dhexe ee xalay sida idaacada simba ay u sheegeen dad ku sugan degmada afgooye.

Dhanka kale Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlada soomaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in lagala wareegay gacanta ku heynta degmada afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here