Wafdi uu Hogaaminaayo Denjiraha qaramada Midoobe ee arrimaha Soomaliya Michael keating oo saakay ku wajahan Magaalada cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Amaanka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa aad loo adkeeyay waxaana magaalada saakay lagu arkayaa ciidamo ka Tirsan kuwa Nabad sugida dowlada Goboleedka Galmudug oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga Magaalada.
Qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo Denjiraha qaramada Midoobe ee arrimaha Soomaliya michael keating ayaa laga dareemayaa xarunta Madaxtooyada Maamulka Galmudug sida ay kusoo waramaysa wariyaha Radio simba ee Magaalada cadaado deeqo jiinow.
Denjiraha Qaramada Midoobe ee arrimaha Soomaliya michael keating ayaa maalmihii dambe howlo shaqo ku tagay Magaalooyinka Garoowe iyo Baydhabo isagoona halkaas kula soo kulmay Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo koonfur Galbeed soomaliya C/wali Maxamed Cali Gaas iyo shariif Xasan shiikh aadan.

