Dagaal Xoogan oo Ka Dhacay Shabeelaha Dhexe, Shabaab oo Guulo ka Sheegtay

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka Hir-shabeelle.

Dagaalka ayaa si gaar ah kaga dhacay degaanka Daaru-nicma oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee Gobolka Shabeellaha dhexe wuxuuna dagaalka u dhaxeeyay ciidamdda Dowladda,kuwa Macawisley oo dhinac ah iyo Al-shabaab.

Dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab ayaa weerar qorshaysan kusoo qaaday deegaanka,wuxuuna dagaalka socday muddo saacad ku dhow sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta aan si rasmi ah loo ogeyn tirakoobka khasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegatay weerarkaasi, iyada oo sheegtay inay la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Daaru-Nicma, islamarkaana ay burburisay saldhigyadii ciidanka dowladda ee deegaankaasi.

“Ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar kula jarmaaday deegaanka Daarunicma oo ay saldhigyo ku lahaayeen (ciidanka) dowladda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Al-Shabaab oo ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka kooxda.

Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay degaanka Daaru-nicma oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here