Askar Lagu Kordhin Doono Dagaalka Al-shabaab oo Tababar Loosoo Xiray+Sawirro

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa dalka Uganda tababar ugu soo xirey 2 guuto oo ka mid noqoneysa Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo uu sheegay

Ciidankan oo tiro ahaan dhan 3000 ayuu wasiirka Gaashaandhigga XFS sheegay in dhiig cusub ku soo kordhin doonaan dagaalka Shabaab dalka looga xoreynayo.

“Wasaaradda Gaashaandhiga waxaa ka go’an in la kordhiyo tirada iyo tayada Ciidanka Xooga Dalka, waxaan u mahadcelinaayaa Dowlada UAE iyo Uganda taageeradooda hagar la’aaneed ee ay la garab taaganyihiin Shacabka iyo Dowlada Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Munaasabada tababarka lagu soo xirey waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin uu kamid yahay wasiirka Gaashaandhigga dalka Uganda, taliyaha ciidanka Uganda iyo Taliyaha ku-xigeenka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here