Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha kumeel gaarka ah ee maamulka Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan inuu diiday Casuumaad kaga timid madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Cali Jeyte Cismaan ayaa iska diiday Casuumada madaxweyne Xasan Sheekh oo aheyd inuu tago magaalada Muqdisho, si ay wadahadal u wada yeeshaan,
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Casuumaada madaxweyne Xasan Sheekh ay la xariirto mid la doonayo in lagu wiiqo jiritaanka maamulka cusub ee Hiiraan State.

