Faah-faahin;-Dagaal iyo Duqeymo Ka Dhacay Magaaladda Laascaanood

0

Ciidamada Somaliland ayaa saaka duqayn aan loo meel dayin ku garaacaya xaafadaha kala duwan ee Laascaanood kuwaas oo waxyeello gaarsiiyay magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale jiidda hore ee Laascaanood laga maqlayo hubka culus oo ay is weydaarsanayaan ciidamada Somaliland iyo xoogagga SSC-Khaatumo.

Colaadda labada dhinac ayaa socota mudda ku dhow lix bilood waxaana ciidamada Somaliland hadda Gobolka Sool kaga sugan yihiin saldhiga Gooja-cadde ee duleedka Laascaanood.

Dadaallo nabadeed iyo baaqyo kala duwan ayaa laga soo saaray colaadda Laascaanood welina wax natiijo ah lagama gaarin joojinta dagaalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here