Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in doorashada madaxtooyadu dhicidoonto xilligii ay iyagu u gartaan inay ku dhacdo.
Wasiirka ayaa caddeeyay in Puntland aysan dib ugu laaban doonin doorasho qabiil, isagoo sheegay go’aanka doorashada inuu horyaallo guddiga doorashada iyo xisibiyada soo baxa.
“8 january, 24 sano ayaa qabiil wax lagusoo dooranayay. War qabiilka waa laga gudbay. Qofkii qabiil doonaya baadiyaha ha gudbo,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.
Wasiir Dirir ayaa sheegay dadka doorashada kasoo horjeeda inay yihiin kuwa diiday inay ururada siyaasada ku biiraan, kuwaas oo uu sheegay inay doonayaan inay qabiil iyo tare ku raadiyaan hoggaaminta Puntland.

