Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay taageersan tahay horumarka Soomaaliya ay ka sameyneyso isbedelada dhanka siyaasadda, waxaana ay beesha caalamka ka codsatay in ay kaalmo gaarsiiso dalka.
Wakiilka joogtada UK ee QM, Barbara Woodward ayaa hadalkan ka sheegtay shirka Golaha Ammaanka oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, iyadoo soo dhaweysay joogitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ku ammaantay warbixintii uu golaha siiyay.
Danjiraha boqortooyada Ingiriiska waxay soo dhawaysay sida ay uga go’an tahay Madaxweyne Xasan Sheikh isbedellada siyaasadeed, oo ay ku jiraan dib-u-habaynta waxbarashada.

