Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa soo saaray baaq deg deg ah oo ay ku dalbanayaan in la joojiyo xiisada colaadeed ee ka taagan magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland, taasoo u dhaxeysa ciidamo kala taabacsan madaxweynaha Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.
War saxafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay dhinacyada dagaalamaya in wax walba ay ku dhameeyaan miiska wadahalka.
“Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsan yihiin dirirta ka socota Garowe iyo saamaynta ay ku leedahay dadka rayidka ah, Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay saaxiibada Beesha Caalamka.

