Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ee kasoo horjeeda doorashada lagu muran-san yahay ayaa gacanta ku dhigay sanaadiiqda loo waday deegaano ka tirsan gobalka Nugaal.
Xubno hogaaminayay askarta ayaa sheegay in ay wali diidan yihiin sida Madaxtooyadda Puntland u wado doorashada,islamarkaana taasi ay keentay in ay la wareegaan sanaadiiqda cod bixinta.
Sidoo kale waxaa weli taagan is faham waaga la xiriira hanaankaan oo ay horey u qaadaceen ururada siyaasadda Puntland qaarkood.
Arintaan aya timid saacado kadib markii xal laga gaaray murankii doorashada golayaasha oo gacan ka hadal uu ka dhashay.

