In kabadan 100 Dhalinyaro Soomaali ah oo loo heeysto Falal Burcad Badeednimo Ah ayaa ka soo Hormuuqday Maxkamada India

0

Maxkamada magaalada Mombai ee dalka hindiya waxaa maanta lasoo taagay 119 dhalinyaro soomaaliyeed kuwaasi oo looheesto falal burcad badeednimo ah.

Dhalinyarada ayaa kasoo muuqday maxkamada lagu magacaabo kala joda oo ku Taalo magaalada mombai ee dalka hindiya.

Xeer ilaaliyaha maxkamada mombai ranjeet sangal ayaa sheegay in dhalin yarada lasoo xiray waqtiyo kala duwan isagoona sheegay in qaarkood ay kala dambi duwan yihiin .

Xeer ilaaliyaha ayaa intaasi ku daray in dhalinyarada ay weerareen maraakiib laga lahaa dalka hindiya oo marayey biyaha soomaaliya iyo sidoo Kale gacanka cadmeed.

Maraakiibta ay isku dayeen dhalinyaradaan loo heesto burcad badeednimada ayaa waxaa kamid ah markabka Navi Mumbai  oo kooxdu ay weerartay sanadkii 2012-kii.

Mohammed Mire oo ka mid ah dhalin yarada maxkamada lasoo taagay ayaa ah shaqsiga kaliya ee  sida fiican ugu hadli karo luuqada ingiriiska sidoo kalane qori kara.

Xabsiyada dalka  hindiya waxaa ku jira dhalin yaro badan oo looheesto falal burcad badeednimo kuwaasi oo aan lasoo taagin wax maxkamad ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here