Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo kuwa Al-Shabaab Ayaa ka Dhacay Deegaano Hoostaga Degmada Diinsoor

0

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowlada soomaliya iyo xarakada al-shabaab ayaa dhacay Degmada Diinsoor Ee Gobolka Bay

C/laahi sheikh ismaaciil Taliyaha ciidamada Daraawisha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya oo la Hadlay idaacada simba ayaa sheegay in dagaal saakay ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Bay ay la galeen ciidamada al-shabaab iyagoona Guulo ka gaaray Dagaladaas waa siduu Hadalka u dhigay

Taliyaha ciidamada Daraawisha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay in wali ay ku sugan Yihiin Goobihii saakay ay dagaalada ka dhaceyn isagoona hadalkiisa kusii daray in dhawaan ay sii gaari doonaan Tuulooyin ay ku sugan Yihiin al-shabaab

Marar badan waxaa Gobolada Bay iyo Bakool kusoo laab-laabtay dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowlada soomaliya iyo amisom iyo kuwa al-shabaab oo dhawaan lagala wareegay inta badan Goboladaas

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here