Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in aan loo dul qaadan karin in ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa Asluubta ka mid ahaan askar cabtooy ah oo isticmaasha muqaadaraadka maanka-dooriya.
Taliyaha ayaa sheegay in xashiishka isticmaalkiisa uu mamnuuc ka yahay gaal iyo islaamba, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidanka dowladda ay isticmaalaan xashiish sidoo kale waddooyinka la taagan yihiin calaq.
Waxa uu sheegay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya in shaqada ciidanka Asluubta uu ka eryay labo maalin gudahood 32 askari oo katirsanaa ciidanka, kuwaa uu sheegay in ay ahaayeen cabtoy isticmaasha xashiishka.

