C/wali Gaas:-“Puntland Waa Ka Horeysay Kana Dambeyn Doontaa Deni”,!

0

Madaxwaynihii hore ee Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas], ayaa si kulul waxa uu uga hor-yimid isku-dayga hogaanka Puntland ku doonayo in uu wax uga badalo dastuurka heshiiska lagu yahay.

Gaas ayaa ka shan-qariyey in damaca madaxweynaha muddo xileedkiisa sideeda bilood ka hartey uu salka ku hayo mid shaqsiyadeed.

Saciid Cabdullaahi Deni ayuu ugu baaqay in uu ka istaago talaabadaas oo uu hoosta ka xariiqay in ay Puntland gelineyso mar-xalad siyaasadeed oo horseedi karta qalalaase, xasilooni darro iyo khal-khal amni.

Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Baarlamaanka ayuu ku waaniyay in aysan ku milmin siyaasadda isla markaana ay si waa ah u gutaan waajibaadka ka saaran la xisaabtanka xukuumada iyo ilaalinta sharciga.

Golaha wasiirada Puntland ayaa ansixiyey wax ka badalka tirada asxaabta siyaasada ee maamulkaas oo markii hore ahaa sedex, halka ay hada nqoonayaan shan. Baarlamanka Puntland ayaa loo gudbiyey si uu u ansixiyo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here