Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa ka dalbaday Howlgalka ATMIS ee Soomaaliya in si deg deg ah usoo gaba-gabeeyaan dagaalka ka dhan Dagaalyananadda Xarakadda Al-shabaab.
Ruto oo ka qayb-galay shir Khamiistii ay magaalada Kampla ku yeesheen dalalka ay ciidanka ka joogaan gudaha Soomaaliya iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in lasoo afjaro Al-shabaab iyo amni darada ka jirta gobolka Geeska Afrika.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya looga baahan yahay inay xoojiyaan wadashaqeyntooda, is-dhaafsiga xogaha sirdoonka iyo iskaashiga la dagaalanka Al-Shabaab iyo ka hortagga guud ahaan khatarta shabaab.
William Ruto ayaa sidoo kale boggaadiyay shaqada ciidamada ATMIS ee howlgalka Midowga Afrika, wuxuuna sheegay inay guul weyn ka gaareen hadafkooda xasilinta Soomaaliya.
Ugu dambeyntii madaxweynaha dalka Kenya ayaa tasoo jeediyay In la taageero howlgalka ATMIS, oo soo wajahday mushaar la’aan kadib markii midowga Yurub uu jartay 60 milyan oo dollar siin jiray sanad weliba, taas oo culeys u keentay howlgalka.

