Mooshinka Ka Dhanka ah RW Xamza, Shaqsiyaadka Hogaaminaya oo La Shaaciyay

0

Maalmihii dambe waxaa soo xoogeystay wararka ku aadan in Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay wadaan abaabulka mooshin ka dhan ah Xukuumadda Raisulwasaare Xamza Cabdi barre oo wali sanad jirsanin.

Mooshinkaan ayaa la sheegay in laga taageerayo dhinacyo kala duwan oo dowladda ka Tirsan iyo Maamul Goboleedka Puntland uu hogaamiyo Madaxweyne Saciid C/laahi Deni oo guuldarooyin kasoo gaareen doorashadii Muqdisho ka dhacday 15-kii bishii May.

Xildhibaan Hore Cabdi Barre Jibriil oo wareysi siiyay idaacadda Simba ayaa sheegay in mooshinka ay gadaal ka riixayaan xubno kamid  ah xabsiga Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ee UPD iyo xubno kamid ah Xisbiga Daljir oo isku baheystay doorashadii loogu guuleystay Maamulkii hore.

Waxa uu sheegay in Xubnaha horboodaya mooshinka ay qeyb ka tahay Gudoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Sacdiyo Samatar oo ka tirsan Xisbiga Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud,sidoo kalana Puntland kasoo jeeda.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in wixii dalka dhibaato ku ah in dusha loo saaro Puntland,wuxuu sheegay in Puntland aysan qeyb ka aheyn Mooshinka laga wado Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guuxa Mooshinka ka dhan ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo shaac baxay todobaadkaan bilowgiisa,waxaana ka hadlay dhinacyo kala duwan oo dowladda iyo mucaaradka Dowladda kamid ah.

Dadka dhaliilsan mooshinkan ayaa aaminsan inuu carqaladeyn karo gulufka dagaal ee dowladu ka wado dalka kaasoo ka dhan ah Al-shabaab, waxay kaloo qabaan inuu dalka gelin karo xiisad siyaasadeed oo dowlada ka mashquulineysa waajibaadka ka saarnaa dalka.

Dhanka kale Wasiirkii hore ee warfaafinta Somalia Xildhibaan Maxamed Cabdi xayir Maareeye oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay iney la soo xiriireen xildhibaanada mooshinka wada balsen uu iska diiday inuu qeyb ka noqdo, wuxuuna xusay inuu ku qanacsan yahay waxqabadka xukuumada Raisulwasaare  Xamse Cabdi Barre, xiligana aysan habooneyn in dalka la geliyo qalalaase siyaasad.

Qodobadda ugu waa weyn ee lagu eedeynayo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Raisulwasare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa kamid ah in ay ka gaabisay shaqooyinkii loo igmaday.

Waa dhaqan soo jirey in xukuumadihii dalka soo maray in mooshino laga keeno muddo kadib,islamarkaana taasi ay keento in meesha laga saaro raisulwasaare mid kalana la keeno.

Madaxweynaha haatan taladda haya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud  ayaa magacaabay 3-raisulwasaare xiligii uu dowladdiisa hogaaminayay intii u dhaxeysay 2012-2016-kii.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here