Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Ceel-Qansax oo hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa waxay burburiyeen fariisimo ay si qarsoodiga ah isugu abaabulayeen Al-shabaab.
Ciidanka Qaranka sidoo kale nolosha ku qabtay ilaa iyo shan ka tirsan Al-shabaab, gaari nooca xamuulka qaad ah oo loo yaqaano BG, saanad ciidan iyo sahay raashin iyo shidaal ah.
Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay haatan naf ka raadinayaan in ay weeraro kaliyah kusoo qaadaan xiryaha ciidamadda Dowladda ayna ku jabeen dagaaladii ugu dambeeyay ee dalka ka dhacay.
Guud ahaan ammaanka deegaanka howlgalka laga fuliyey ee Ceel-Qansax ayaa la xaqiijiyay, sida saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay u xaqiijiseen Warbaahinta Qaranka.

