Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada Caalamiga ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay inta u dhaxeeysa deegaanada Ugunji iyo Mubaarak oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkaas qorsheysanaa ayaa lagu dilay in ka badan 20 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab oo isugu jira Saraakiil iyo dagaalyahano, waxaana lagu dhameystiray tiro intaas ka badan oo dhaawacyo ah ayaa lagu yiri Warsaxafadeed kasoo baxay Taliska NISA.
Warsafaxadeedka kasoo baxay hay’adda NISA ayaa sidoo kale lagu xusay in howlgalkaan lagu dilay xubnaha ka tirsan Shabaab uu dhacay habeenimadii Khamiista oo taariikhdu ahayd 20-ka bishan April, islamarkaana lagu beegsaday kooxda oo isku abaabuleysay dhulka howdka ah.


