Ciidamadda Amaanka oo Qabtay Nin Toorey Caloosha Uga Dhuftay  Nin Kale

0

Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay gacanta ku dhigay nin eedeysane ahaa oo la baadigoobayay saacadihii aynu soo dhaafnay.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cabdi Maxamed Khaliif (Cabdi Haash Gaad) 30 jir ah, ayaa lagu eedeeyay inuu Toorey caloosha uga dhuftay Maxamed Cabdullahi Sheekh.

Falkaan ayaa ka dhacay Xaafadd kamid ah Degmadda Waabari ee Gobolka Banaadir,ciidamadda amniga ayaa ku raadjoogay eedeysanaha oo baxsad ahaa,falka kadib.

Boolisku ma shaacin sababta ninkaan ku kaliftay inuu caloosha toorey uga dhufto dhibanaha, waxaana xusid mudan in isla gudaha degmada Waaberi laga soo qabtay ninkaan ku eedeysan inuu dhibka geystay.

Falalka noocaan oo kala ah ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay gudaha Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here