Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo Mogadisho Kusoo Wajahan

0
Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guatters ayaa todobaadkan gudihiis kusoo wajahan Soomaaliya, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay laanta afka carabiga ee warbaahinta Qaramada Midoobey.

Inta uu ku sugan yahay Soomaaliya waxa uu la kulmi doonaa madaxda dowladda Soomalaiya, kuwa hay’adaha Qaramada Midoobe, Ururada bulshada rayidka iyo ciidamada ATMIS ee taageerada ka helo UN-ka.

Waxa uu xanbaarsan yahay fariin culus oo uu ku baaqayo midnimo iyo nabad, isagoo hoosta ka xariiqay baahida muhiimka ah ee loo qabo xasilloonida gobollada ay colaaduhu ragaadiyeen sida Soomaaliya.

Mr.Gutters ayaa socdaalkiisa qeyb ka ah safarada sanadlaha ah ee uu sanad walba bisha Ramadaan ku tago dal kamid ah dalalka ay ku badan yihiin dadka muslimiinta ah, isagoo sanadan doortay Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here