Dowladda Hindiya ayaa ugu tabarucday 2 milyan oo dollar Sanduuqa Qaramada Midoobay si ay u taageerto Hawlgalka ku Meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).
Horey, Hindiya ayaa 4 milyan oo dollar ugu deeqday howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).
Hawlgalka Joogtada ah ee Hindiya ee Qaramada Midoobay ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku xustay, in Indiya ay taageerayso doorka ay ka ciyaaraan Hawlgalka (ATMIS).
Taageeradaas oo ku aaddan bixinta jawi ammaan oo suurtagelinaya ka hortagga weerarada ay geystaan Al-Shabaab.
Ergayga Joogtada ah ee Hindiya u qaabilsan Qaramada Midoobay, Ruchira Kamboj ayaa barteeda twitter-ka ku sheegtay in dowladda India ay ku wareejisay jeeg dhan US$ 2 milyan oo loogu talagalay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

