Warar kala duwan ayaa laga helayaa weerar dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ay saakay ku qaadeen deegaanka Baardheere oo qiyaastii dhinaca Koonfureed Baledweyne kaga beegan 20-km .
Sida la xaqiijiyay Al Shabaab ayaa si gaar ah u weeraray saldhig ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka kaga sugnaayeen deegaanka Baardheere, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal aad u culus.
Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ay maqlayeen qaraxyo iyo hub culus ay is dhaafsanayeen labada dhinac, waxaana deegaanka Baardheere dagaalka ka dhacay ka dhashay khasaaro badan oo labada dhinac kala gaaray.
Saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen, waxa ayna sheegeen in ay hadda kusii daba jiraan firxadka kooxdii weerarka soo qaaday .
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Gobolka Hiiraan oo loogu hadlaayo dagaalka saakay ka dhacay Duleedka magaaladda baladweyne.

