Somaliland oo Sheegtay in Weerar Ku Tahay Magaaladda Laascaanood

0

Maamulka Somaliland ayaa markii u horraysay si rasmi ah ugu dhawaaqay dagaal qorshaysan oo ku jihaysan Laascaanood.

Af-hayeenka Ciidamada Somaliland S/Guuto Cabdi Dheer oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay dagaal qorshaysan oo millatari ku qaadi doonaan Magaaladda Laascaanood si ay dib ugu qabsadaan.

“Somaliland intii ay ka dulqaadanaysay waa ka dulqaadatay. Hadda annagu warqad yar oo la xar xariiqay soo dhigi mayno website-yada, Laakiin dagaal qorshaysan oo millatari ayaan qaadi doonaa” ayuu yiri Cabdi Dheere.

Hadalkaas ayuu sheegay saacado kadib markii Somaliland lagu jebiyay weerar ay saddex jiho kaga qaaday Laascaanood islamarkaana dib looga qabsaday saldhigoodii Dhuyuc-xuunsho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here