Al-shabaab ayaa shaaciyay in uu socdo qorshe ku aadan in Ciidamadda Ethopia dalka dib loogu soo celiyo si ay ula dagaalamayaan dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
Afhayeenka guud ee Al Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa ka hadlay qorshe cusub oo la doonayo in dalka lagu soo celiyo ciidamo Itoobiyaan ah oo la dagaalama Al Shabaab.
Waxa uu sheegay in ay heleen xogta qorshe cusub oo dalka lagu keenayo ciidamo Itoobiyaan ah, si ay duullaan culus ugu soo qaadaan deegaannada iyo degmooyinka Al Shabaab gacanta ku hayaan.
Afhayeenka guud ee Al Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ku faanay in ay fashileen duulaano walba oo ugu yimid ciidamo caalami ah,iyo kuwa Soomaaliya.
“Duullaanka wajigeedii hore markuu fashilmay oo ciidamada dowladda wax tari waayeen oo ciidamadii uu soo tababaray wax tari waayeen oo diyaaraduhu Mareykanka wax ka tari waayeen, markaan wuxuu qaatay Mareykanka in uu Itoobiya dib usoo celiyo, marka wajiga 2-aad ee hadda la sheegayo cidda lagu tashanayaahi oo la rabo in dalka lagu soo celiyo waa Itoobiya, Itoobiyana waligeed qorshaha ay gaaladu ku taami jirtay wuxuu ahaa in ay Soomaaliya liqdo oo Soomaaliya dhammaanteed ay noqoto dal ka tirsan dalka Itoobiya” ayuu yiri Cali Dheere.

